DHUUSAMAREEB – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaanno Saadaq Joon, horeyna usoo noqday taliyaha booliska gobolka Banaadir xiligii dowladii Farmaajo, ayaa maanta markale ku guuleystay kursiga Hop248, oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.
Kursigan ayaa horay uu u fadhiyay isla Saadaq Joon, balse uu baneeyay markii loo magacaabay taliye ku-xigeenka hay’adda NISA. Doorashadii xigtay waxaa kusoo baxay ganacsade Afwayne, hase yeeshee isna wuxuu dhawaan iskaga tagay kursiga sababo gaar u ah.
Doorashada maanta dhacday ayuu Saadaq Joon si rasmi ah ugu guuleystay, isaga oo markale kusoo noqday baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Saadaq oo doorashada kadib la hadlay saxaafadda ayaa u mahadceliyay dadka codkooda siiyay, isagoo ballan qaaday inuu si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii markale kalsoonida u muujiyay.
“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii codkooda i siiyay. Waxaan mar kale balan qaadayaa inaan si daacad ah ugu adeegi doono shacabka,” ayuu yiri xildhibaanku.
Doorashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay cakirantahay, iyadoo ay jiraan khilaafaadyo soo noqnoqday oo u dhexeeya madaxda sare ee dowladda.




