MUQDISHO, 28 Oktoobar 2025 — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP), oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo muhiim u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029, kaas oo diiradda saaraya horumarinta maaraynta biyaha iyo kobcinta wax soo saarka beeraha dalka.
“Mashruucan JOSP waa tiir muhiim u ah yoolalka horumarineed ee dowladda, wuxuuna gacan ka geysan doonaa in dalka uu si waara u maareeyo kheyraadkiisa dabiiciga ah, gaar ahaan biyaha iyo beeraha,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Mashruuca ayaa la filayaa inuu si weyn u kordhiyo awoodda bulshada deegaanka ee ku tiirsan webiga Shabeelle, isagoo fursado shaqo iyo horumar dhaqaale u abuuraya in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku nuux-nuuxsaday in barnaamijkan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu yareynayo ku tiirsanaanta kaalmooyinka shisheeye, iyadoo la dhiirrigelinayo is-maamul dhaqaale iyo ka faa’iideysiga kheyraadka gudaha.
Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo wax-soo-saarka beeraha, horumarinta adeegyada bulshada, iyo dhismaha dhaqaalaha waara ee Soomaaliya.




