Sacuudi Carabiya oo digniin culus u dirtay Iiraan

0

Riyadh, Sacuudi Carabiya – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa uga digay Iiraan in dulqaadka Boqortooyada iyo dalalka Khaliijka ee ku aaddan weerarrada gobolka uu yahay mid xadidan, isaga oo ugu baaqay Tehran inay si degdeg ah “dib u xisaabiso” istiraatijiyaddeeda.

 

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Riyadh, ayuu wasiirku sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsanayo dalalka deriska ay muujinayaan qorshe hore loo sii diyaariyey oo si xeel dheer loo dejiyay.

“Heerka saxnaanta bartilmaameedyada waxay caddeynayaan in arrintani tahay mid si fiican loo qorsheeyay,” ayuu yiri Amiir Faysal, isagoo tilmaamay weerarradii dhawaan ka dhacay dalalka Khaliijka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Sacuudi Carabiya iyo xulafadeedu ay leeyihiin awood milatari oo “aad u muhiim ah” oo la adeegsan karo haddii ay go’aansadaan.

“Sabirka la muujiyay ma aha mid aan xad lahayn,” ayuu yiri, isaga oo ka gaabsaday inuu si toos ah u sheego tallaabooyinka la qaadi karo, balse xusay in fariinta la doonayo inay si cad u gaarto dowladda Iiraan.

Digniintan ayaa timid kadib shir ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, kaas oo lagu qabtay Riyadh, laguna falanqeeyay xiisadda sii kordheysa ee gobolka.

Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kadib weerarro lagu qaaday xarumo tamareed oo ku yaalla Khaliijka, oo ay ka mid yihiin xarunta gaaska ee Ras Laffan ee Qatar iyo xarunta Habshan ee Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la sheegay inay sababeen khasaare hantiyeed oo weyn.

Dowladaha Khaliijka ayaa hadda wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan sidii ay uga jawaabi lahaayeen weerarradaas, iyadoo baaqyo caalami ah oo ku aaddan xasillooni iyo wada-hadal ay isa soo tarayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here