Sacuudi Carabiya oo qorshaynaysa isbahaysi amni oo cusub oo ay la yeelanayso Soomaaliya iyo Masar

0

MUQDISHO – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku guda jirta qorshe lagu dhisayo isbahaysi militari oo cusub oo ay la yeelanayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, tallaabo si weyn loogu fasirayo mid lagu xakameynayo saameynta sii kordheysa ee Imaaraatka Carabta ku leeyahay gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago Sacuudi Carabiya, halkaas oo la filayo in lagu dhammeystiro heshiiskan, kaas oo diiradda saaraya amniga Badda Cas, wada-shaqeyn militari oo qoto dheer, iyo iskaashi dhinaca istiraatiijiyadda amniga gobolka ah.

Qorshahan cusub ayaa imanaya kaddib markii Soomaaliya ay toddobaadkii hore si rasmi ah u laashay dhammaan heshiisyadii amni iyo kuwa dekedaha ee ay la lahayd Imaaraatka Carabta, iyada oo ku eedeysay in UAE ay ku xadgudubtay madax-bannaanida qaranka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah u tilmaantay dhacdo la xiriirta Imaaraatka oo dalka ka soo saaray hoggaamiye gooni-u-goosad u dhashay Yemen, taas oo ay ku tilmaantay fal si toos ah u dhaawacaya madaxbannaanida dalka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay cadaadis saareen Dowladda Soomaaliya si ay u xaddido xiriirka ay la leedahay UAE, iyadoo xiisadda u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka ay sii xoogeysatay, gaar ahaan arrimaha la xiriira OPEC+ iyo dagaalka Yemen, kaddib amar ay Sacuudigu ku dalbadeen in Imaaraatku ciidamadiisa kala baxo Yemen.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer taageero siyaasadeed u muujinaysay midnimada Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, inkastoo aanay horey u bixin taageero militari oo toos ah. Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu noqdo markii ugu horreysay ee Riyaad si rasmi ah oo muuqata uga qeyb qaadato xoojinta amniga iyo awoodda militari ee Soomaaliya.

Go’aanka Soomaaliya ay uga laabatay xiriirkii ay la lahayd UAE ayaa sidoo kale la xiriira arrimo kale oo istiraatiiji ah, oo ay ka mid tahay xiriirka Imaaraatka la yeeshay Somaliland iyo tallaabooyin ay ku jiraan aqoonsi iyo iskaashi ay la sameeyeen Israel, taas oo abuurtay xulafo cusub oo istiraatiiji ah oo ku yaalla xeebta Badda Cas. Arrintan ayaa si weyn loogu cambaareeyay Sacuudi Carabiya, Masar iyo Turkiga.

Masar ayaa sanadkii hore heshiis gaar ah la gashay Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo kan militari, taasoo muujinaysa sida ay dalalka waaweyn ee gobolka u daneynayaan amniga Badda Cas iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Qaar ka mid Falanqeeyayaal siyaasadeed iyo arrimaha meleteriga ayaa qaba in heshiiska cusub ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Masar uu wax ka beddeli karo miisaanka siyaasadeed iyo kan militari ee gobolka, isla markaana hoos u dhigi karo saameynta Imaaraatka Carabta ee Geeska Afrika, iyada oo la xoojinayo doorka Sacuudiga iyo Masar ee arrimaha Soomaaliya. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas oo noqotay bartilmaameed caalami ah marka la eego amniga, ganacsiga iyo loollanka quwadaha gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here