Saddex ganacsato ah oo lagu dilay Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

0

MUQDISHO (SMN) – Illaa sadex ruux oo ganacsato ahaa ayaa maanta lagu dilay agagaarka iskuulka Axmed Gureey oo ku yaalla degmada Daaru-salaam ee gobolka Banaadir.

 

Sadexda qof ayaa waxaa lagu dhex dilay dukaamadii ay lahaayeen xilli ay ku guda jireen howlahooda shaqo.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay gaysteen dilkan, kuwaasi oo toogtay ganacsatadan, kadibna baxsaday.

Ganacsatada la dilay ayaa la sheegay in ay u xirneed Kaamiradda CC Tv oo ay ku amartay dowladda in ay xirtaan, hadii kalena tillaabo laga qaadayo si loo sugo amniga caasimada.

Geesta kale waxaa barbar socoda amarka dowladda hanjabaada Al-Shabaab ee ah in ay beegsanayaan ganacsatada ku dhiirata in ay xirtaan kaamirooyinka wax basaasa.

Ciidamada amaanka dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaas oo howlgalo ka sameeyay halka falka uu ka dhacay ee agagaarka iskuuka Axmed Gureey ee Degmada Daaru-salaam.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay qabteen rag la tuhunsan yahy in ay ku lug lahaayeen dilka dhacay inkastoo illaa haatan aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga.

Xaalada aaga ay wax ka dheceen ayaa hadda ah mid kacsan iyadoo la tilmaamayo in ay jiraan ganacsiyo albaabada la’isugu dhuftay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here