Safaaradda Jabuuti oo Afur u sameysay Madax katirsan dowladda Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeyb galay kulan Afur ah oo lagu qabtay Safaarada Dowladda Jabuuti ee Magaalada Muqdisho.

 

Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa ugu mahadceliyay Madaxda ugu sareysa DFS sida ay had iyo jeer ugu shaqeynayaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab, asigoona u rajeeyay ummadda soomaaliyeed horumar iyo barwaaqo.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tilmaamay in Dowladda Jamhuiriyadda Jabuuti iyo Shacab keeda ay inaga mudan yihiin mahadcelin iyo inaan ku amaano kaalintooda la xariirta dib usoo kabashada ummada Soomaaliyeed iyo Dowlad dhiskeeda.

May be an image of 2 people, headscarf and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and dais

—DHAMMAD—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here