Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo ku baaqday Wada-hadal iyo Tanaasul Siyaasadeed

0

MUQDISHO — Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku adkaysay muhiimadda wada-hadalka iyo tanaasulka siyaasadeed ee lagu xaqiijinayo mustaqbalka dalka.

 

Bayaan ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in inkasta oo wada-hadalka iyo tanaasulku ay mararka qaar adag yihiin, haddana ay yihiin dariiqa kaliya ee lagu gaari karo is-afgarad waara iyo xasillooni siyaasadeed.

Safaaradda ayaa si gaar ah ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed inay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo xal mideysan oo horseedi kara wada-shaqeyn iyo is-faham qaran.

Sida lagu xusay bayaanka, geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan oo ay Soomaalidu hoggaaminayso ayaa laf-dhabar u ah arrimo dhowr ah oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

  • La-dagaallanka argagixisada, iyadoo midnimada hoggaanka ay xoojin karto dagaalka lagula jiro kooxaha khatarta ku ah amniga dalka.
  • Xoojinta maamul-wanaagga, maadaama is-afgarad siyaasadeed uu dhisayo hay’ado dowladeed oo awood leh oo si hufan ugu adeegta shacabka.
  • Horumarinta mudnaanta qaranka, taas oo sahleysa in Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay hore ugu sii socdaan qorshayaasha horumarineed iyo kuwa xasilloonida.

Safaaradda Maraykanka ayaa ugu dambeyn sheegtay in tanaasulku yahay furaha lagu xaqiijin karo danta guud ee dalka, isla markaana midnimada siyaasadeed ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here