NAIROBI, Kenya – 29 Juun 2025 – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa si rasmi ah u xustay sanad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay maalintii xorriyadda qaranka Soomaaliyeed ee 26-kii Juun 1960-kii, taas oo ahayd maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto xorriyaddii gobollada Waqooyi ee dalka.
Munaasabaddan oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa qeyb ka ahayd xuska Todobaadka Xorriyadda, waxaana kasoo qeybgalay in ka badan 100 danjire iyo wakiillo ka kala socday safaaradaha iyo qunsuliyadaha ku yaalla dalka Kenya.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay madax mataleysay hay’adaha Qaramada Midoobay sida UN-Habitat, UNDP, iyo UNHCR, taasoo muujineysa muhiimadda ay beesha caalamku siineyso xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu marayo heer istiraatiiji ah, isaga oo si gaar ah u tilmaamay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo dhaqaalaha.
“Maanta waxay na xasuusinaysaa halgankii geesinimada lahaa ee ay dadkeenna u soo galeen xorriyadda. Sidoo kale, waxay fursad noo siineysaa inaan dib u qiimeyno guulaha aynu ka gaarnay dhanka diblomaasiyadda iyo iskaashiga dalalka deriska ah sida Kenya,” ayuu yiri Danjire Jibriil.
Safaaraddu waxay xustay in xafladaha noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dalalka kale, iyo sidoo kale kor u qaadista sumcadda dalka ee caalamka.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay suugaan dhaqameed, bandhig-faneedyo, iyo muqaal xusuus ah oo ka tarjumayay taariikhda halgankii gobonnimo-doonka Soomaaliyeed.









