Safaaradda Yemen oo xaqiijisay sii-deynta kalluumaysato Yemeniyiin ah oo lagu hayay Boosaaso

0

Boosaaso, Soomaaliya – Safaaradda Yemen ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la sii daayay toddobo kalluumaysato Yemeniyiin ah oo ay hayeen hay’adaha ammaanka ee Puntland muddo ku dhow laba bilood.

 

Kalluumaysatadan ayaa lagu qabtay kadib markii ay si sharci-darro ah ugu soo gudbeen biyaha Soomaaliya ee Puntland iyaga oo aan haysan ruqsad kalluumaysi oo ka timid Wasaaradda Kalluumaysiga ee deegaanka.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda Yemen ayaa lagu sheegay in kalluumaysatadaasi la fasaxay, isla markaana lagu wargelinayo kalluumaysatada Yemen inaysan gelin biyaha Soomaaliya iyaga oo aan haysan ogolaansho rasmi ah. Safaaraddu waxay xustay in jebinta shuruucdaasi ay keeni karto in la xiro ama lala kulmo tallaabooyin sharci ah.

Safaaraddu waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado wacyigelinta kalluumaysatada Yemen ee ku aaddan baahida ruqsadda kalluumaysiga kahor inta aysan hawlgalin gudaha biyaha Soomaaliya, si ay uga fogaadaan dhibaatooyin sharci iyo xabsi keeni kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here