Safiirka Mareykanka iyo Taliyeyaal Ciidanka oo la kulmay Madaxweyne Deni

0

Boosaaso 20 Sebtember 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda.

Inta ay socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad.

May be an image of 2 people and daisMay be an image of 14 people, people studying and tableMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person and the Oval Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here