Canberra, Australia – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia, Danjire Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ugu gudbiyay Sam Mostyn, oo ah Governor-General-ka dalka Australia.
Tallaabadan ayaa loo arkaa dhacdo taariikhi ah, taas oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Australia.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, isaga oo tilmaamay in iskaashi dhow uu horseedi karo dan guud iyo horumar waara.
Qodobada Muhiimka ah ee Laga Wada Hadlay Muhiimadda xawaaladaha ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia.
Horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga si loo gaaro koboc dhaqaale iyo horumar waara.
Fududeynta socdaalka, gaar ahaan tixgelinta Visa on Arrival ee baasaboorrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa diblomaasiga iyo adeegga.
Doorka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia, si ay u noqoto buundo isku xirta labada dal.
Safiirka ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Australia iyo dhammaan bah-wadaagta si loo sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.






