Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo la kulmay wafdi ka socday DF

0

NAIROBI (SMN) – Safiirka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay mas’uuliyiin ka socday Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay aqoon kororsi la xariira heerarka kala duwan ee maamulka dowliga ah u joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Marti-sharaf ka kala socotay Dowladaha Kenya ,Soomaaliya, Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Diblomaasiyin ayaa munaasabadda goobjoog ahaa, kaasi oo ujeedkiisu ahaa casho sharaf iyo sagootin .

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa farriin dardaaran ah u jeediyay Mas’uuliyiinta ka faa’iideystay Aqoon kororsiga, waxaana uu mahadcelin balaaran ujeediyay dowlada kenya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee suurta geliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here