Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay dhiggiisa dalka Ciraaq

0

MUQDISHO (SMN) – Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda JFS ee Masar Danjiraha Ciraaq u fadhiya Qaahira ahna Wakiilka Joogtada ee Jaamacadda Carabta Mudane Qaxdhaan Al-Janaabi oo booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka.

 

Labada Danjire ayaa ka wada sheekaystay Xiriirka labda dal iyo ka mira dhalinta qodobadii la isla meel dhigay booqashadii Ra”isul Wasaaraha ee Baqdaad.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay qabanqaabada Wafdi heer Wasiir oo dhawaan tagaya Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here