Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo kulamo ka bilowday magaalada Kampala

0

KAMPALA (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa booqasho ugu tagtay Safiirka u jooga Uganda Dowladda aan dariska nahay ee Kenya Amb. Joash Maangi.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dalalka Bariga Afrika guud ahaan iyo xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada safiir isku raaceen in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo walaalo ah oo wax yaabo badan ka dhaxeeyaan.

Amb. Joash Maangi ayaa sheegay in diyaar u yahay in uu la shaqeeyo safiiradda Soomaaliya ee Uganda xariir dhawna yeeshaan labada safaaradood

Dhankeeda Danjire Fardowsa ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee uu Safiirka Kenya ee Uganda usoo dhaweeyay, kana shaqeeyn doonto in ay xariir dhaw yeeshaan labada safaaradood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here