Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga

0

KAMPALA ((SMN) – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magcaawday dalka Uganda Amb Fardowso Maxamed Qanyare ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Uganda Hon. Okello Henry Oryem.

 

Kulan kooban oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Uganda ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxaana Danjire Fardowso Maxamed Qanyare ay sheegtay inay ka shaqeyn doonto xoojinta xariirka soo jireynka ah, sidoo kale waxaa ay ka mahad-naqday sida wanaagsan ee dowladda Uganda mar walba u garab taagantahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada;-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here