Sanatar ka Mid ah Aqalka Sare oo Laga Joojiyay Ka-Qeybgalka 12 Kulan oo Wadajir ah

0

Muqdisho — Go’aan maamul oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan laga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole Sanatar Cabdi Cabdullaahi Xaashi.

 

Go’aankan ayaa lagu sababeeyay qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo lagu eedeeyay in Sanatarku ku kacay intii uu socday kulan wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, kaas oo dhacay 2-dii Febraayo, 2026.

Sida lagu sheegay go’aanka maamul, tallaabadan ayaa loo qaaday si loo ilaaliyo habsami u socodka shaqada Golaha, loona dhowro xeerarka iyo anshaxa shaqo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ayaa carrabka ku adkeeyay in xubnaha Golaha laga doonayo ixtiraamka nidaamka, xeerhoosaadka, iyo kala dambeynta kulamada rasmiga ah, isla markaana tallaabooyin la qaadi doono marka uu dhaco xadgudub noocaas ah.

Go’aankan ayaa dhaqan gelaya si degdeg ah, waxaana la filayaa inuu saameyn ku yeesho ka-qeybgalka Sanatarka ee kulamada wadajirka ah inta muddada ganaaxu socdo.

May be an image of ‎text that says "‎Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Aqalka Sare Xafiiska Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad الفيدرالية يومال ية_الال جمهور الشيوخ مجلس الأول الرئيس نائب مكتب Office Ref: XGK1/83 6aW20_24 Re:XGK1/83/8120246901 الرق: Somalia Federal Republic ne he The First Deputy Speaker Taariikh: 5/2/ 20266j JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA JLDERAAIKA INFURLIC BEONA MT SEPPEK PPEK OUSE PALKA SARK GOLAHA GOLAHAAQALKASARE AQALKA SARE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA GO'AAN MAAMUL JOOJIN KA QEYBGALKA KULAMADA WADJIRKA AH EE LABADA GOLE Mugadishu, Feb 05, 2026 KM-0 Degmada Shibis Benaadir. Mogadishu- Somala Office landline 2-619345665 Hormuud: 610728281 8281 Email: nfogsenale govse Website: www senate‎"‎May be an image of ticket stub and textMay be an image of text that says "WUXUU soo SAARAY QODOBBADA HOOS KU XUSAN: Qod. aad JOOJIN KA QEYBGALKA KULAMADA WADAJIRKA AH EE LABADA GOLE Magaca Senatorka hoos goran waxaa laga joojiyay เท ka qeybgalo kulamada wadajirka ah labada Aqal ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka muddo 12 kulan isku xiga. 1. Sen. Cabdi Cabdullahi Xaashi 2aad XADDIDID Mamnuuciddan waxa ay ku xaddidan tahay kulamada wadajirka ah, wax saameyn ah kuma lahan kulamada gaarka u ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sen. Cali Shacbaan Guddoomiye Ku xigeenka alka Sare ee BJFS ahna ku simaha Gitkimomiyaha. Bogga2 KM-O Degmada Office landline Email: Benaadir Hormuud: Website: senate gov.so"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here