Muqdisho – Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo si qoto dheer loogu gorfeeyey arrimo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka iyo doorka Aqalka Sare ka saaran dhammaystirkiisa.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho howlaha dastuuriga ah, iyadoo Sanatarradu adkeeyeen baahida loo qabo iskaashi, wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul, si loo helo Dastuur dhammaystiran oo saldhig u noqda dowlad dhis waara, midnimo qaran iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, Sanatarrada ayaa isku raacay muhiimadda joogteynta kulammada noocan ah, ilaalinta danta guud ee Qaranka, iyo dardar-gelinta hannaanka dowlad-wanaagga, iyagoo carrabka ku adkeeyey in la dhowro xeer-hoosaadka Golaha iyo habsami u socodka howlaha sharci-dejinta.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in xildhibaanno kale oo kasoo horjeeda ay sidoo kale kulamo gooni-gooni ah ka wadaan Muqdisho, taasoo muujinaysa in arrimaha dastuurka ay weli u baahan yihiin wada-tashi dheeraad ah si loo gaaro is-afgarad buuxa.





