MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali, iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Odayaasha dhaqanka.
Shirkaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Hirshabeelle.
Agaasimaha NISA ayaa sheegay in hey’adda sirdoonka ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada Hirshabeelle, isagoo gaar ahaan xoogga saaraya gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dadka deegaanka iyo hay’adaha amniga.
Odayaasha dhaqanka ee goobta ka qaybgalay ayaa dhankooda balanqaaday inay hey’adda amniga garab ku siinayaan kala shaqeynta nabadda iyo guud ahaan howlgallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda qeybo kamid ah gobolada dalka.
Odayaasha ayaa sidoo kale muujiyay diyaar garowgooda in ay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu sugayo xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.
Shirkan ayaa muujinaya sida ay muhiim u tahay iskaashiga bulshada iyo hey’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilooni siyaasadeed oo ka hanaqaada gudaha Hirshabeelle.