Sanbaloolshe iyo odayaasha oo ka wada-hadlay aaska askartii la laayay

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa haatan kulan la leh odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle iyo Imaamka Muddulood oo ku baxay xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Taliyaha iyo odayaasha ayaa ka wada-hadlaya aaska marxuuminta oo lagu wado in saacadaha soo socda uu ka qabsoomo magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu tegi doono Beledweyne, si xal loogu helo dhibaatada gaartay reere Beledweyne.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here