Saraakiil milatari ee ka socda Sacuudiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray saraakiil milatari oo ka socota Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha caasimada.

 

Saraakiisha milatari ee Sacuudiga ayaa lagu soo warramayaa inay haatan kulamo la leeyihiin madaxda wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay booqasho ku tageen qaar kamid ah xeryaha ciidanka, sida xerada General Gordan oo ah goob oo uu Imaaraadka ku tababaro ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa mid ay ugu guurgalayeen xaaladda guud ee xerada, oo ay ku jiraan cutubyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qorshaha wafdigan iyo imaantinkooda Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ah hirgelinta heshiis difaac oo ay horay u wada galeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, wuxuuna hadda doonayaa inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinaca milatariga ah, kana qayb qaato dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Horay waxaa Soomaaliya saameyn ciidan ugu lahaa waddamada Maraykanka, Turkiga iyo Emarat-ka Carabta, kuwaas oo taageero milatari siiya dowladda federaalka oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda A-Shabaab.

Sacuudiga iyo Masar ayaa hadda kusoo biiraya iskaashiga milatari ee Soomaaliya, kadib heshiisyo ay dowladda Soomaaliya lasoo gashay labadan dal, halka Masar ay sidoo kale Soomaaliya usoo diri doonto ciidamo ku biiraya howgalka cusub ee beddalaya ATMIS oo la filayo in sanadkan dhammaadkiisa ay ka baxdo guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here