MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada deegaanka maanta lagu wareejiyay ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya.
Magaca sarkaalkan ayaa waxaa lagu sheegay Ismaaciil Xasan Cali, wuxuuna isku dhiibay ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug, kadib markii uu xiriir la soo sameeyay.
Soo dhaweyn kadib ciidanka Macawisleyda ayaa ninkan usoo gudbiyay hay’adda NISA, qaybteeda Galmudug, si loo marsiiyo habraaca isa soo dhiibayaasha kooxda Al-Shabab.
War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in tani ay ku timid howlgallada ay wadaan ciidamada huwanta ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.
“Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa Khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka markii ay adakaysan waayeen weerarrada xooggan eek aga imanaya Ciidamada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhankiisa horjoogaha isa soo dhiibay oo la wareystay ayaa ka hadlay waxyaabaha sababay inuu isaga soo baxo Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed darteed uu uga soo goostay kooxda.
Waxaa kale oo uu farriin u diray dhalinyarada ee weli ka barbar dagaalameysa kooxda, isaga oo ugu baaqaan inay kasoo tegaan, iskuna soo dhibaan dowladda Soomaaliyeed.
Muddooyinkii u dmabeeyay waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo tegaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay dagaallada lagu qaaday.