Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DF Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta degmada Hobyo uu iska soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo macagiisa lagu sheegay Cabaas Amiin Xuseen.

 

Ninkan ayaa isku soo dhiibay ciidamada booliska ee Hobyo, sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga degmadaasi Maxamed Cadceed oo sheegay inuu xiriir lasoo sameeyay, kadibna ay soo dhaweeyeen.

Cabaas Amiin Xuseen ayaa ahaa madaxii maaliyadda Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, wuxuuna ninkan muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sarkaalkan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa sheegay in uu go’aansaday inuu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay inuu la kulmay dhibaatooyin kala duwan.

Wareysi laga qaaday wuxuu ku sheegay inuu haatan ka howlgalka deegaanka Jawle ee Gobolka Mudug, kadibna uu sidaas uga soo baxay Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ee soo dhaweeyay Cabaas ayaa sheegay inay ku wareejinay hay’adaha ku shaqada leh, si uu maro habraaca loo dajiyay isa soo dhiibayaasha.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa soo kordhayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab oo haatan dagaallo culus ku qaaday dowladda, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here