Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay Muqdisho + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil maanta Muqdisho loogu gaystay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska.

 

Marxuumka oo laba xiddigle ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hanad Axmed Muuse, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay toogteen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tegay guriga sarkaalka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan dilka loo gaystay sarkaalkan oo aan la ogeyn illaa iyo hadda waxa sababay.

Marxuum Hanad ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah, wuxuuna dhawaan kasoo laabtay tababar uu kusoo qaatay dalka Turkiga.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal ay isku gaystaan ciidamada dhexdooda, waxaana badanaa sababa isku dhacyo dhex-mara iyo murano soo kala dhex-gala.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Afgooye lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA iyo ilaaladiisa, kadib markii ay weerareen gurigiisa ciidamo kale oo ka tirsan dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here