Sawirro: Askartii xabadaha riday dabaaldagii 26 June oo lasoo xiray

0

MUQDISHO (SMN) – Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya Hey’adaha ammaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

 

Askarta lagu soo qabtay howlgalkaas ayaa lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii laga soo saaray inaan la ridi karin rasaas loogu dabaal-degayo Todobaadka Xorriyadda.

War kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri “Waxaa socota baaris, maadaama uu jiro khasaare ka dhashay rasaastii sharci darada aheyd ee xalay la riday, sidoo kale hey’adaha ammaanka waxay baadi goob ugu jiraan tiro kale oo askar ah iyo gaadiidka xabado laga dul riday.”

Halkan hoose ka daawo Sawirro:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here