Sawirro: Booliska oo gacanta kusoo dhigay koox ciyaar weero ah

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay gacanta kusoo dhigtay koox ciyaal weero ah oo loo haysto inay dhibaato ka gaysteen magaalada Muqdisho.

 

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in lasoo xiray illaa 44 eedeysane oo loo haysto inay yihiin weero, ayna dhibaato ka gaysteen garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisow

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, oo gaaraya 44 dhalinyaro ah kuwaas oo galabtay Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaartooyada.

Waxaa ku socota baarista Boliiska waxaana la horgeydoonaa Maxalmadda Awooda u leh.

DIGNIIN:-
Waxaa looga digayaa dhalinyarada usoo daawashataga ciyaaraha Dagamooyinka Gobalka Banaadir in ay ka fogaadaan falal Ammni darada ah ilaaliyaana xasiloonida ciyaaraha iyo xeerarka u yaala.

Wabillahi-Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here