Sawirro: Cabdicasiis Laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaalada Muqdisho u joogay ka qeyb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku Meel Gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, XIldhibaano, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa fashil ku yimid, kadib markii uu isaga baxay madaxweynaha Jubbaland, waxaase la shaaciyay in dib la isugu soo laaban doono 26-ka bisha October, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiisa ra’iisul wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here