Cabdirashiid Jilley oo kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Elfadel Saeed iyo mas’uuliyiin kale oo qaabilsan qeybta Caafimaadka iyo Nafaqada.

 

Kulankaan ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa, horumarinta adeegga caafimaadka dalka, u qareemidda caafimaadka muwaadiniinta soomaaliyeed, isaga oo ergeyga xusay in ka go’antahay dowladda soomaaliya Tayeynta iyo hormarinta adeegyda cafimaadka.

Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan ka waday caasimadda, kuwaas oo lagu dardargelinayo shaqada hortaallo xafiiskiisa.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here