JOWHAR (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo culus ka wada qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.
Howlgalladan oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabelle ee mara halkaasi.
Saraakiil ka tirsan mailatariga Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan lagu burburiyay fariisimo Al-Shabaab ay ku lahayd deegaanada wabiga jiinkiisa ah ee hoostaga degmada Mahadaay.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dagaallo ka dhacay deegaanada Ciid Ciidka, Oobaale iyo kuwa kale lagu dilay xubno Shabaab ah, iyadoo ay halkaas ku go’doomiyeen tiro kale.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-