Danjire Maxamed oo booqday xarun lagu barto duulimaadka diyaaraadaha

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia, Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa Maanta waxa uu booqasho ku tagay kuliyadda lagu barto wadidda gaadiidka hawadda, gaar ahaan Diyaaradaha noocyadooda kale ee loo yaqaani (Linx Aviation Pilot School in Serbia) xarunteed weyn ee Magaalada Belgrade.

 

Danjiraha waxaa uu la kulamay Mulkiilaha Linx Aviation School ATO, ahna Madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petković. Danjiraha iyo Madaxa Linx ATO waxay ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan iskaashiga iyo tababaridda Duuliyeyaal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal ifaya, ugana faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee dhanka duuliyenimadda iyo Gaadiidka hawadda.

Waxaa xaqiiq ah in dhalinyaradda Soomaaliyeed ay mudane yihiin in loo raadinayso fursdo ay mar walba ku heli karaan aqoon iyo cilmi si ay u gaaraan hiigsiga fog ee mustaqbalkoodda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here