Sawirro: Diiwaangelinta qoysaska oo maanta ka bilaabatay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Waxaada dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdirashiid Cabdullahi Salaad (Wadaad yare) ayaa maanta Hogaamiyey ollolaha diiwan gelinta dadwaynaha Gobolka Banaaadir, taasi oo laga bilaabay Degmada SHINGANI ee Gobolka Banaadir.

 

Dadwaynaha degmada shingaani ayaa si qurux badan uga qayb qaatay diiwaan gelinta dadwaynaha, iyagoo muujiyey in ay baahi weyn ugu qabeen diiwaan gelinta dad-waynaha iyo guryaha Gobolka Banaadir.

Howl wadeenadda shaqada waday ayaa si hufan ugu adeegay dadwaynaha degmada shingaani  oo iyagu muujiyey howl karnimo iyo furfurnaan shaqo.

Diiwan gelintan ayaa laga samayn doonnaa 20ka Degmo ee Gobolka Banaadir, si dhamaan dadwaynaha ay u helaan xuquuqdooda iyo adeegyada aasaasiga ah oo ay u baahanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here