MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed,
Kulankan waxaa sidoo kale goob Joo ahaa Guddomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiye Madaale ayaa bogaadiyay xoojnta dadaalada kor loogu qaadayo wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir diyaar u yahay garab istaaga talaaba kaste oo qeyb ka ah wada hadaladaasi.
Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho garab istaaga uu u muujiyay talaabooyinka socda ee looga mira dhalinaayo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan walaalaha soomaaliyeed ee reer Soomaliland.