Sawirro: Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay safiirka dalka Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo sidii loo dardargalin lahaa mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Turkiya ka fuliso Gobolka Banaadir.

 

Duqa Muqdisho ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Turkiya garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dib usoo kabashada Soomaaliya, asigoona sidoo kale xoojiyay sii amba-qaadida heshiisyada iskaashi ee horey u dhex maray Dowladda Hoose ee Xamar iyo Magaalooyinka qaar ee dalka Turkiya.

Guddoomiye Amiir iyo Amb. Alper ayaa ka wada hadlay hirgelinta qorsheyaal lagu horumarinaayo dhalinyarada oo ay ugu horeeyaan shaqo abuurka, Tababarada farsamada gacanta iyo sidii Dowladda Hoose ee Xamar gacan loogu siin lahaa qorsheyaasha ku aadan wax ka qabashada bilicda iyo dib-udhiska miyo mareenada Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here