MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Howl Wadaag ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay kaas oo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay Hooyo iyo caruurteeda.
Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah, maamulka degmada Howl Wadaag, iyo saraakiisha Amniga.
Sidoo kale waxa uu faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.
Dhacdadaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo isku qoys ahaa, ayna ku jireen gabar iyo hooyadood marti ku ahaa xaafadda ay mashaqadu ka dhacday.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-