MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 30-sano kadib maanta daahfuray xarunta keydka talaalka Dowladda Hoose Xamar ee degmada Cabdicasiis.
Xaruntan oo muda ku dhow 30-sano bur bur saneyd islamarkaana aanan helin wax dayactir ayaa hirgalinteeda muhiim u aheyd horumarinta tayada Talaalka, iyada oo xaruntan loo dhameestiray qalab xafiiseed iyo agabyadii lagu keedin lahaa Talaalka loogu adeegi doono bulshada Caasimadda.
Aggaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Maxamud ayaa tilmaamay in aggaasinka caafimaadka oo baahi weyn u qabay hirgalinta iyo qalabeynta xarunta keydka talaalka Dowladda Hoose Xamar.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-