Guddoomiye Madale oo shir isugu yeeray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo loogu hadlay Horumarinta Waxbarashada iyo dar-dargelinta Ollolaha Hooyo u hiili Qaranka ee lagu garab istaagayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo shirka goobjoog ka ahaa ayaa warbixin la xariirta Waxbarashada ka dhageystay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoona dood dheer laga yeeshay horumarinta goobaha Waxbarashada (Dugsiyadda).

Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa isla qaatay sidii da’yarta soo koreysa loogu faa’ideyn lahaa Waxbarashada Lacag la’aanta ee ka jirta dalka, maadaama Wasaaraddu ay horey u qaadatay kun Macalimiin hadana uu socdo qorshe kale oo lagu qaadanaayo macalimiin cusub isla markaana lagu horumarinayo goobaha Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale shirka ayaa warbixin loogu dhageystay Hormuudka Haweenka Hogaaminaya Ollolaha Hooyo u Hiili Qaranka ee lagu garab istaagaayo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ee dagaalka ciribtirka Kooxaha Khawaarijta ka wada dalka, Waxa uuna Duqa Muqdisho faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka in ay si buuxda ugu qeyb qaataan taageerida ollolahaasi.

Shirka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Mudane Cabdullahi Cadaani oo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ku amaanay horumarada ka jira Caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here