MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay Suuqa weyn ee Degmada Xamarweyne si uu ugu kuur-galo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee ka jira xilliyada Habeenkii maadaama lagu jiro tobonkii ugu danbeesay ee Bisha Ramadaan, isla markaana ay bulshada isku diyaarinayaan Ciidul Fidriga.
Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen Maamulka Degmada Xamarweyne, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho kasoo Dukaameystay mid ka mid ah goobaha Ganacsiga ee Suuqa Xamarweyne, Asigoona xog wareystay shacabka usoo dukaameysi tagay Suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka Amni iyo kobaca Ganacsi ee ka jira Suuqa Xamarweyne.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale socod ku tagay xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, halkaasi, waxa uuna Bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo guulaha laga gaaray Amniga Caasimadda.