MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir.
Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya.
xaruntan ayaa qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-