Farmaajo oo markale Madaxweynaha cusub ku qaabilay Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Waa kulankii labaad oo ay Villa Soomaaliya ku yeelanayaan Farmaajo iyo Madaxweynaha cusub, ka hor munaasabadda xil wareejinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here