MUQDISHO (SMN) – Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Goboledyada Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu wehliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey )iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe ).
Anjandaha kulanka ayaa ahaa wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha amniga Dalka.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Sheekh ayaa guddiga warbixin guud ka siiyay amniga guud ee Dalka iyo sidii looga hortagi lahaa khataraha ka imaan kara Al-Shabaab.
Halkan hoose ka daawo Sawirro:-