Sawirro: Guddoomiyaha BF Soomaaliya oo guddoomiyay kulan aan caadi aheyn

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 4-aad ee aan caadiga aheyn, ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ay yeeshaan.

 

Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa labada ku-xigeen iyo sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya

Sidoo kale kulanka Guddiga Joogtada ayaa maanta looga hadlay heshiiskii ay gaareen Madasha Wada-tashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay Guddoonka labada aqal.

Dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa la isku raacay in lagu wareejiyo Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan uguna dhigaan siiqad dastuur ka dibna ay horkeenaan fadhigga Golaha.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here