Sawirro: Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gargaar kala wareegay Shiinaha

0

MUQDISHO (SMN) –  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday Bakhaarrada keydka SoDMA waxa uu Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna Wang Yu, kala wareegay gargaar raashin ah oo ka badan 1,300 oo tan.

 

Gargaarkaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee xaaladaha adag wajahaya, looguna diyaar garoobo abaarta la saadaalinayo ee La Niña, mana ahan markii ugu horresay ee Dowladda Shiinaha gargaar kan lamid ah ay soo gaarsiiso Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda la wareegidda rashinkan ayaa uga mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya gargaarkaan, iyo sida ay marwalba u dhowraan ilaalinta madaxbannaanida dalkeenna.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay inuu guddoomiyaha uga mahad-celinayo dadaalkisa u gurmashada shacabka, isaga oo xusay in waqti walba u taaganyihiin caawinta walahooda Soomaaliyeed.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here