Sawirro: Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Agaasimaha Hay’adda FCDO

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha cusub ee Hay’adda FCDO (Foreign Commonwealth and Development Office) Mudane Christopher Pycroft.

 

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha ay SoDMA qabato iyo arrimaha la xariira awood dhiska, ka digista halis-wadareedyada iyo ka jawaabidda gurmadka deg-degga ah.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii wada-shaqeyn dhow ay u yeelan lahayeen labada hay’addood iyo sidii laysaga kaashan lahaa badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed si gaar ah digniinaha iyo xogaha quseeya abaaraha, saameynta isbeddelka cimillada iyo  garab istaagga caruurta iyo haweenka si looga baaqsado xaalad adag oo soo wajahda buslshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here