Sawirro: Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay safiirka Imaaraadka Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

 

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii Imaaraadka SoDMA uga taageeri lahaa mashaariicda u adkaysiga aafooyinka, ka soo kabashada waxyeelladii ay geeysteen fatahaadihii hore ee El-nino iyo in laga shaqeeyo mashaariicda soo kabashada xalalka waara.

Waxyaabaha kale ee kulankaan lagu faaqiday waxaa kamid ah qorshaha soo socda ee dhawaan Dowladda Imaaraadka ku saacideeyso hay’adda SoDMA , u diyaar garowga waxyaabaha dhici kara xiliyada soo socda ee laga cabsi qabo inay roob yari dhacdo taas oo sababi doonta abaar iyo In loo diyaar garoobo lana helo kayd dhammeystiran si deg deg looga jawaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here