Sawirro: Guddoomiye Maxamuud Macalin oo la kulmay madaxa hay’adda UN OCHA

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda UN OCHA ee Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen halka uu marayo qaban-qaabada shirka Humanitarian Country Forum, Arrimaha ka hortagga leexsashada gargaarka, qorshaha fog ee ha’yadda uga aaddan maareynta musiibooyinka iyo xal u helidda IDPS.

Sidoo kale waxaa la xusay in la sii wado Arrimaha lacagaha Cadaanka ah ee (Cash Program) oo la siinayay dadka barakacyaasha ah iyada oo la isku raacay xal in laga gaaro Arrimaha lacagaha Cadaanka ah hada ka dib lagana sameeyo doodo iyo kulamo u qaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here