Sawirro: Guddoomiye Yabooh oo xarigga ka jaray waddo ku taalla Kaaraan

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xariga ka jaray waddo interlock oo laga hirgeliyay waaxda Jabuuti ee Degmada Kaaraan.

 

Yabooh ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Kaaraan ku amaanay qorshaha iskaashi oo ay ku horumarinaayaan kaabayaasha isku socodka.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay iska kaashadeen shacabka iyo Maamulka Degmada Kaaraan, asigoona xusay in wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Bulshada Degmada Kaaraan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here