Guriceel oo lagu soo bandhigay ciidamo ka qayb-qaadanaya dagaalka Al-Shabaab

0

GURICEEL (SMN) – Duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa lagu soo bandhigay boqolaal kamid ah ciidanka dadka deegaanka, kuwaas oo ka qayb qaadanaya wajiga labaad ee dagalka Al-Shabaab.

 

Ciidankan oo ku hubysan hub culus ayaa la sheegay in ay diyaar u yihiin ka xoreynta Al-Shabaab deegaanadda ay ka joogaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Macawiisleyda iyo kuwa Xoogga dalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay ka kooban yihiin dhammaan beelaha daga Galgaduud, siiba Matabaan iyo deegnaada kale ee hoos yimada.

Galmudug ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo qorshu yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan Galgaduud iyo Mudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here