Sawirro: HirShabelle oo shaacisay in xal laga gaaray tabashadii reer Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay dhismaha Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen maamulka, iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here