Madaale oo furay Madasha La-tashiga bulsho ee Maqaamka Caasimadda

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Muqdisho iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Odayaasha dhaqanka, Culumada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Hormuudka Ururada Bulshada Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo furitaanka Madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in uu dhageysto qeybaha kala gedisan ee Bulshada, isla markaana uu La-tashi kala sameeyo hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho.

Qeybaha kala gedisan ee bulshada oo madasha ka hadlay ayaa aad usoo dhaweeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qabto madal nuucaan ah oo lagu dhageysanaayo taladooda si loogu qeyb geliyo xulashada loo maraayo nuuca ugu haboon ee loo xulaayo hanaanka Maqaamka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in madashaan ay bilaw u tahay sidii bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen xuquuqdooda matalaad, isla markaana ay iyagu go’aan ugu gaari lahaayeen nuuca uu noqonaayo Maqaamka Muqdisho.

Madashaan ayaa ah mid qeybaha kala gedisan ee bulshada Gobolka Banaadir ay doodo ka yeelan doonaan hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho iyo xuquuqda bulshada Gobolka Banaadir, si talooyinka kasoo baxa madashaan loogu gudbiyo guddiyada kala gedisan ee Dastuurka maadaama Baarlaamka uu dhawaan guda geli doonno doodaha ku aada wax ka badalka cutubka 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka JFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here