Sawirro: Madaxweynaha HirShabelle oo mashaariic ka dhagax dhigay Biyo Cadde

0

BIYO CADDE (SMN) –  Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta daah-furay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Degmada Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax-dhiggay:
1. Xarunta Degmada
2. ⁠Saldhigga Booliska
3. ⁠Garoonka Kubbadda Cagta
4. ⁠Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka
5. ⁠Leyrarka cadceeda ku shaqeeyo

“Iskuulka aan ka hirgelinay degmada Biyo-Cadde waxaan rajeynaa inuu soo saari doono arday tayo leh.”

Shalay ayuu ku dhawaaqay Madaxweynaha Hirshabeelle inay degmo tahay Biyo-Cadde kaddib markii uu kusoo gaaray safar shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here