Sawirro: Madaxweynaha JF Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa Gaana

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Gaana Mudane Nana Akufo-Addo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee waddamada Soomaaliya iyo Gaana.

Sidoo kale waxa ay isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Gaana.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here